Skip Navigation

DVD Ilustrado Multilíngue

The Biology of Prenatal Development




BAYOLOJIYADA KORITAANKA DHALASHADA KA HOR

.Somali


 

Baixar Versão em PDF  O Que é PDF?
 

Desenvolvimento Embrionário: 4 a 6 Semanas

Capítulo 11   4 Semanas: Líquido Amniótico

Usbuuca 4ta amniyonka cad ayaa ku wareegsan embriyaha isagoo ku jira koleyga dareeruhu-ka-buuxo. Dereerahan nadiifka ah, waxa lagu magacaabaa dareeraha amniyonka wuxu ka badbaadiyaa embriyaha dhaawac.

Capítulo 12   O Coração em Ação

Wadnuhu wuxu caadi ahaan garaaca 113 jeer daqiiqadiiba.

Fiiri sida wadnuhu u beddelayo midabka marka dhiiggu galayo ama ka baxayo qolalkiisa garaac walba.

Wadnuhu wuxu garaacayaa taqriiban 54 milyan jeer dhalashada ka hor iyo 3.2 bilyan jeer kabadan nolol 80 sano gaarsiisan gudaheeda.

Capítulo 13   O Crescimento do Cérebro

Maskaxda oo si degdeg ah u korto waxa daliil u ah isbeddelka muuqaalka ee maskaxda-hore, maskaxda-dhexe, maskaxda-gadaale.

Capítulo 14   Brotos dos Membros

Koridda addimada hore iyo dambe waxay ku bilaabataa soo muuqashada addimada bilowgooda usbuuca 4ta.

Maqaarka waa khafiif wax laga dhex arko xilligan waayo dhumucdiisa waa hal unug keliya.

Uu sii adkaanayo, waxa baaba'ayso in wax laga dhex arko, taaso macnaheedu yahay waxan arki kari doonnaa xubnaha gudaha keliya oo koraya ku dhawaad bil kale.

Capítulo 15   5 Semanas: Hemisférios Cerebrais

4ta iyo 5ta usbuuc dhexdooda, maskaxdu waxay sii wadeysaa koridda degdegga waxayna u qaybsameysaa 5 qaybood kala duwan.

Madaxu wuxu ka kooban yahay 1/3 ee miisaanka dhan ee embriyaha.

Waxa soo baxaya wareega baka ah ee maskaxda, oo tartiib u noqonaysa qaybaha ugu waaweyne ee maskaxda.

Hawlaha ay ugu dambeyntii ay xukunto wareegga barka ah ee maskaxda waxa ka mida fekerka, waxbarashada, xusuusta, hadalka, aragga, maqalka, dhaqdhaqaaqa iskiiska ah, iyo mashkalo-xallinta.

Capítulo 16   Vias Respiratórias Principais

Qaabka neefsashada gudihiisa, waxa laga helaa jirridda ugu weyn ee bronki-ga midigta iyo bidixda oo ugu dambeyntii ku xiri doona hunguriga cad, ama dhuunta neefta, sanbabada.

Capítulo 17   Fígado e Rins

U fiirso beerka weyninka badan oo buuxinaya saabka uu ku xigo wadnaha garaacaya.

Kelyaha joogtada ah waxay soo baxaan usbuuca 5ta ah.

Capítulo 18   Saco Vitelino e Células Germinativas

Koleyga nafaqada waxa ku jira unugyo hore ee taran lagu magacaabo unugyada wax dhala. Usbuuca 5ta unugyadan bilowga ah waxay u haajiraan xubnaha taranka ku xiga kelyaha.

Capítulo 19   Placas da Mão e Cartilagem

Sidoo kale usbuuca 5ta, embriyuhu wuxu sameeyaa baabbacooyinka gacmaha, Sameysmidda carjawduna waxay bilaabataa usbuuca 5ta iyo 1/2ks.

Halkan waxan ka aragnaa baabbacada gacanta bidix iyo kala-goyska gacanta usbuuca 5ta iyo 6 maalmood.