| |
Capítulo 1 Introdução
|
| |
| Hawgalka firfircoon ee
hal-unug benii aadam saygoot
uu ku noqdo 100-trilyan-unug waaweyn
waxa laga yaabaa inay tahay
dhacdada ugu cajiibsan
ee dhammaan dabiicadda.
|
| Baareyaashu waxay haatan ogyihiin
in qaar badan oo falgalka caadi ah
oo uu qabto jirka qaangaarka ah
ay aasaasmeen xilligii uurka
marar badan dhalashada ka hor in badan.
|
| Muddadda koritaanka
dhalashada ka hor
waxaa si isoo tareysoo loogu
fahmay waqti diyaargaroow ahaan
oo gudihiisa benii aadamka koraya
uu yeelanayo qaabab badan,
dhaqan gelinnayana xirfado
badan, oo loo baahan yahay
si loo badbaado dhalashada ka dib.
|
Capítulo 2 Terminologia
|
| Uurka benii aadamka wuxu sida caadiga
ah socdaa taqriiban 38 usbuuc
marka laga xisaabiyo waqtiga kulanka
unugyada labka iyo dheddiga
ama abuuranka, illaa dhalashada.
|
| 8da usbuuc u horreya oo ku xiga
kulanka unugyada labka iyo dheddiga
benii aadamka koraya waxaa
lagu magacaaba embriyo
oo macnaheedu yahay "gudo ku korid".
Waqtigan, lagu magacaabo
xilliga embriyaha
waxaa qeexa sameysanka
qaababka ugu waaweyn ee jirka.
|
| Min dhammeystirka 8da usbuuc
illaa dhammaadka uurka,
benii aadamka koraya waxa
la yiraahdaa"fiitus",
oo macnaheedu yahay "uurjiif".
Waqtigan gudihiisa, oo lagu
magacaabo xillida uurjiifka
jirko wuu sii weynaadaa qaababkiisuna
waxay bilaabaan inay shaqeeyaan.
|
| Dhammaan da'da embriyaha iyo
uurjiifka ee baarnaamijkaan
waxay tixraacayaan min waqtigii
kulanka unugyada labka iyo dheddiga.
|