| |
Capítulo 40 3 a 4 Meses (12 a 16 Semanas): Papilas Gustativas, Movimento de Mandíbula, Reflexo de Sucção, Percepção dos Primeiros Movimentos do Feto
|
| |
| Usbuucyada 11ka iyo 12ka dhexdooda,
miisaanku uurjiifku wuxu
kordhaa 60% ku dhawaad.
Laba iyo toban usbuuc waa astaanta
dhammaadka saddex daloolka,
ama saddex-biloodlaha
koowaad ee uurka.
|
| Unugyo dhadhamo kala duwan ayaa
ku yaal afka gudihiisa haatan.
|
| Goorta dhashada unugyada dhadhamadu
waxay ku hari doonaan
oo keliya carrabka iyo dhanxanagga.
|
| Dhaqdhaqaaqa wax saaridda qabsinnadu wuxu
bilaabanayaa ugu horreyntii usbuuca 12ka
wuxuna soconayaa taqriiban 6 usbuuc.
Walaxa ugu horryentii ka soo baxa
uurjiifku iyo malawadka hadda-dhalayga
waxa lagu magacaabaa mal.
Wuxu ka sameysan yahay
ensaymes dheefshiideed,
brotiin, iyo unugyo dhintay
oo uu iska soo saaray
dheefshiid mareenku.
|
| Usbuuca 12ka, dhererka
addinka hore
wuxu ku dhawaad gaaray qiyaastiisu
ugu dambeysay ee jirka.
Addimada hoose waxay
qaatan in ka dheer
si ay u gaaraan qiyastooda
ugu dambaysta ah.
|
| Marka laga reebo dhabarka
iyo madaxa korkiisa,
dhammaan jirka uurjiifku haatan wuxu
ka jawaabaa taabasho fudud.
|
| Farqiyada koritaanka
ku saleysan sinjiga
waxay soo baxayaan
marka ugu horreyso.
Tusaale, uurjiifyada dheddiga waxay
muujiyaan dhaqdhaqaaqa qalka
in ka badan kan labka.
|
| Si ka soo horjeedo jawabtii hore
lo arkay ee dib-u-gurashada
Xoodin afka agtiisa
waxay haatan dhalinaysaa,
u jeesasho dhinaa xoodinta
iyo furitaan afka.
Jawaabtani waxa la yiraahdaa
"jawaan-celin automaatik ah ee raadin"
waxayna sii socotaa dhalashada kadib,
ka caawintaa hadda-dhaleyga helidda
ibta hooyadiisa/hooyadeed
waqtiga nuujinta.
|
| Wajigu wuxu sii wadayaa inuu weynaado
iyadoo ay baruur kayd ah ku
bilaabaneyso inay buuxiso camanka
sameysmidda ilkuhuna
way bilaabaneysaa.
|
| Usbuuca 15ka, waxa imaanaya unugyada
taranka dhiig-sameynta
waxayna ku badanayaan dhuuxa.
Sameysmidda unugyada dhiigga badankoodu
waxay ka dhici doontaa halkaan.
|
| Inkastoo dhaqdhaqaaqu ku bilowdo
embriyaha usbuuca 6da,
naagta uurka leh waxay horta
dareemeysaa dhaqdhaqaaqa uurjiifka
usbuuca 14ka iyo
usbuuca 18ka dhexdooda.
Sida dhaqanka ah, dhacdadan waxaa
lagu wacay dhaqsad.
|