| |
Capítulo 43 5 a 6 Meses (20 a 24 Semanas): Responde ao Som; Cabelo e Pele; Idade de Viabilidade
|
| |
| Usbuuca 24ka baalasha indhuhu
dib bay u furmaan
uurjiifkuna wuxu muujinayaa jawab
indho ka bligsiin yaabsan.
Jawaabtan shanqarta kadiska, dheer
waxay si khaasa ay dhaqsi ugu
horumartaa uurjiifka dheddiga ah.
|
| Dhowr baareyaal ayaa tebiyay
in maqashiin shanqar dheer
ay si xun u saameyn karto
caafimaadka uurjiifka.
islamarkiiba waxyaabaha ay sababeyso
waxa ka mida qaddarka garaacidda
wadnaha oo kordha waqti sii dheer,
liqidda uurjiifka oo xaad-dhaaf ah,
iyo dhaqan isbeddello kadis ah.
Waxyaabaha ay sababeyso muddada dheer oo
suurtagalka ah waxa ka mida dhego beel.
|
| Qaddarka neefsashada uurjiifka
waxay kor u kici kartaa
meerteysi ah illaa iyo 44
neefjiidid-neefsaarid daqiiqadiiba.
|
| Saddex biloodlaha saddexaad
ee uurka gudihiisa,
maskaxda oo si degdeg ah u koraysa
ayaa isticmaasha 50% tamarta
uu isticmaalo uurjiifku.
Miisaanka maskaxdu wuxu
kordhaa 400 illaa 500%.
|
| Usbuuca 26ka indhuhu waxay
sameynayaan illin.
Isha birteeduna waxay ka jawabtaa
iftiinka ugu horreyntii usbuuca 27da.
Jawaabtani waxay qiyaaseysaa
qaddarka iftiinka
gaaraya shabakadda inta la noolyahay.
|
| Dhammaan qaybaha looga baahan yahay
si uu u shaqeeyo dareenka
uurka waa shaqeynayaan.
Daraasooyinka hadda-dhalleyga
waqtiga ka hor dhashaa
waxay caddeeyeen kartida
dareenka uurka
ugu horreyntii usbuuca 26ka kulanka
unugyada labka iyo dheddiga kadib.
Walax macaan oo la dhexgeliyo
dareeraha amniyoonka
waxay kordhinaysaa qaddarka
liqidda uurjiifka.
Lidkeeda, liqidda uurjiifka
oo isdhinta
waxay ku timaada walax
kharaar oo lagu daro.
Waxa marar badan daba socota
muuqalka wajiga oo isbeddela.
|
| Isago sameynayo dhaqaaq lugo
taxane ah la moodo tallaabo
u eg socod, uurjiifku wuxu
sameeyaa qaalmo rogad.
|
| Uurjiifka wuxu u muuqdaa in
duuduubku ka yaraaday
maadaama ay ku sameysmeyso baruur kayd
ah oo dheeraad aha , maqaarla hoostiisa.
Baruurtu waxay kaalin muhiim ah
ka qaadataa xafididda kulka jirka
iyo tamar keydinta dhalashada kadib.
|
Capítulo 44 7 a 8 Meses (28 a 32 Semanas): Discriminação de Sons, Estados Comportamentais
|
| |
| Usbuuca 28da uurjiifku
wuxu kala saari karaa
heerka dhawaaqa sare
iyo heerka gaaban.
|
| Usbuuca 30ka, dhaqdhaqaaqyo
neefsashadu waa caadi
waxayna ka dhacaan 30 illa
40% ee waqtiga uurjiifka caadiga ah.
|
| 4ta bilood ee uurka ugu
dambeysa gudahooda,
uurjiifku wuxu soo bandhigayaa
xilliyo hawlo isku-duwan
ay ku dhex jiraan xilliyo nasasho.
Xaaladahaan dhaqameed
waxa ka muuqda isku-dhafnaan hore
u sii kordheysa ee qaabka dareenka dhexe.
|
Capítulo 45 Os Membros e a Pele
|
| |
| Taqriiban usbuuca 32da,
Alfiyoli run ah,
ama unugyo hawo "ka buuxdo" ,
ayaa bilaabmaya inay
ku sameysmaan sanbabada.
Waxay sii wadi doonaan inay sameysmaan
illaa 8 sano dhalashada kadib.
|
| Usbuuca 35ka uurjiifku wuxu leeyahay
gacan wax ku qabsasho adag.
|
| Uurjiifka oo la kulma
walaxyo kala duwan
waxay u egtahay inay saameyso
kala doorbidid dhadhamo.
Tusaale, uurjiifyo hooyadood
cuni jirtay anise,
walaxa siiya likorays dhadhankeeda,
waxay mujiiyeen doorbidid
anise dhalashada kadib.
Hadda-dhaleyga aan hore ula
kulmin ma jecla anise.
|
Capítulo 46 9 Meses até o Nascimento (36 Semanas até o Nascimento)
|
| |
| Uurjiifka wuxu bilaabayaa fool
isagoo sii daayo in badan ee
hormoonka lagu magacaabo estrogen
waxana sida ku bilaabanaya kala-guurka
min uurjiif illaa hadda-dhaley.
Foosha caalamad u ah isku-ururid
iyo kala-bixid ee minka,
oo keenta cunug dhalidda.
|
| Min kulanka unugyada labka iyo
dhiddigga illaa dhalashada iya ka shishe,
koritaanka benii aadamku waa firfircoon
yahay, waa isdabajoog waana iskudhaf adag.
Waxyaabo cusub oo laga ogaaday
hawlgalkaan cajiibka leh
waxay si istaraysa u muujinayaan
muhiimadda saameynta koridda uurjiifku
ku yeelaneyso caafimaadka
nolosha oo dhan.
Sida fahamkeenna koritaanka hore
ee benii aadamka u sii horumarayo,
sidaa si le'eg ayay u horumari doontaa
kartideenna inan sare u qaadno caafimaadka
dhalashada kahor iyo kadibba.
|