| |
Desenvolvimento Embrionário: 4 a 6 Semanas
Capítulo 11 4 Semanas: Líquido Amniótico
|
| |
| Usbuuca 4ta
amniyonka cad ayaa ku
wareegsan embriyaha isagoo
ku jira koleyga
dareeruhu-ka-buuxo.
Dereerahan nadiifka ah,
waxa lagu magacaabaa
dareeraha amniyonka
wuxu ka badbaadiyaa
embriyaha dhaawac.
|
Capítulo 12 O Coração em Ação
|
| |
| Wadnuhu wuxu caadi ahaan
garaaca 113 jeer daqiiqadiiba.
Fiiri sida wadnuhu
u beddelayo midabka
marka dhiiggu galayo ama ka
baxayo qolalkiisa garaac walba.
Wadnuhu wuxu garaacayaa taqriiban
54 milyan jeer dhalashada ka hor
iyo 3.2 bilyan jeer kabadan
nolol 80 sano gaarsiisan gudaheeda.
|
Capítulo 13 O Crescimento do Cérebro
|
| |
| Maskaxda oo si degdeg ah u korto
waxa daliil u ah isbeddelka muuqaalka
ee maskaxda-hore,
maskaxda-dhexe,
maskaxda-gadaale.
|
Capítulo 14 Brotos dos Membros
|
| |
| Koridda addimada hore iyo dambe
waxay ku bilaabataa soo muuqashada
addimada bilowgooda usbuuca 4ta.
|
| Maqaarka waa khafiif wax laga dhex arko
xilligan
waayo dhumucdiisa waa hal unug keliya.
Uu sii adkaanayo,
waxa baaba'ayso in wax laga dhex arko,
taaso macnaheedu yahay waxan arki
kari doonnaa xubnaha gudaha keliya
oo koraya ku dhawaad bil kale.
|
Capítulo 15 5 Semanas: Hemisférios Cerebrais
|
| |
| 4ta iyo 5ta usbuuc dhexdooda,
maskaxdu waxay sii wadeysaa koridda
degdegga
waxayna u qaybsameysaa 5 qaybood kala
duwan.
Madaxu wuxu ka kooban yahay 1/3
ee miisaanka dhan ee embriyaha.
Waxa soo baxaya wareega
baka ah ee maskaxda,
oo tartiib u noqonaysa qaybaha
ugu waaweyne ee maskaxda.
Hawlaha ay ugu dambeyntii ay xukunto
wareegga barka ah ee maskaxda
waxa ka mida fekerka, waxbarashada,
xusuusta, hadalka, aragga,
maqalka, dhaqdhaqaaqa iskiiska ah,
iyo mashkalo-xallinta.
|
Capítulo 16 Vias Respiratórias Principais
|
| |
| Qaabka neefsashada gudihiisa,
waxa laga helaa jirridda ugu weyn
ee bronki-ga midigta iyo bidixda
oo ugu dambeyntii ku xiri doona
hunguriga cad, ama dhuunta neefta,
sanbabada.
|
Capítulo 17 Fígado e Rins
|
| |
| U fiirso beerka weyninka
badan oo buuxinaya saabka
uu ku xigo wadnaha garaacaya.
Kelyaha joogtada ah waxay
soo baxaan usbuuca 5ta ah.
|
Capítulo 18 Saco Vitelino e Células Germinativas
|
| |
| Koleyga nafaqada waxa ku
jira unugyo hore ee taran
lagu magacaabo unugyada wax dhala.
Usbuuca 5ta
unugyadan bilowga ah
waxay u haajiraan
xubnaha taranka
ku xiga kelyaha.
|
Capítulo 19 Placas da Mão e Cartilagem
|
| |
| Sidoo kale usbuuca 5ta,
embriyuhu wuxu sameeyaa
baabbacooyinka gacmaha,
Sameysmidda carjawduna waxay
bilaabataa usbuuca 5ta iyo 1/2ks.
Halkan waxan ka aragnaa
baabbacada gacanta bidix
iyo kala-goyska gacanta usbuuca
5ta iyo 6 maalmood.
|